UK oo dalalka qaar fiisaha ka joojinaysa

0
87

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa suuragal ah in UK ay joojiso fiisooyinka la siiyo dalalka aan ogoleyn in ay la galaan heshiisyada lagu celinayo muhaajiriinta, sidaasina waxaa sheegtay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha UK.

Shabana Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay ku martigelisay maanta xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka iyo wasiiro ka socda Australia, New Zealand iyo Canada. Kulankooda waxa uu ku saabsanaa sida ay xogta sirdoonka ku wadaagayaan isbahaysiga Eyes ee dalalkan. Eyes waa isbahaysi sirdoon oo shantan wadan xogta ku wadaagaan.

Wadahadaladan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda uu haysto cadaadis la xiriira sidii ay ku yareyn laheyd tirada muhaajiriinta doomaha kaga soo gudbeysa badda u dhexeysa UK iyo Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here