United Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay West Ham

0
31

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ka dib ciyaar si caajis u aheyd , United ayaa hal gool ku garaacday kooxda West Ham , waxa ayna uga mahad celinayaan Rashford kaasi oo dhaliyay goolkiisii 100-aad ee kooxdaas .

Sheekada qeybta hore : Man United ayaa nasiinada ugu dirtay West Ham United hal gool oo uu dhaliyay Rashford ka dib baas cajiib ah ee uu ka helay Erikson

Marka laga yimaado goolkaas, si ayay ciyaarta u aheyd mid lagu caajiso , United qaladaad dhanka baasaska ah ayaa ka dhacayay waxaana sii dheeraa jahwareer dhanka isku xirka ah

Maguire si ayuu neerfoose u ahaa halka Alanga uusan soo bandhigin wax muuqda .

Westham rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen daafac ahaanna waa  foojignaayeen.

Soo laabashadii , ciyaarta waa u furneyd labada dhinac ana jirrin biloowgii halis gilin muuqata oo ay isku sameeyeen .

West Ham rogaal celis iyo daafac ahaan ayay u wacnaayeen halka United ku adkeyd in xal sax ah oo afka hore ah la yimaadaan

United inkastoo ay ku sareeyeen kubad haysashada hadana ma jrrin afkaar muuqata oo dhanka weerarka oo cadaadiska afka hore ma jirin