United Vs Nottingham : 24-Sano Ka Dib Ayay Isku Arkayaan Horyaalka.

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)-United rikoor dhanka goolasha ah ayay  ku leeyihiin Nottingham , iyaga ayaana  gacan sareeyay kulamadii ugu dambeeyay

Nottingham

*Manchester United ayaa badisay lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Nottingham Forest tartamada oo dhan, iyadoo kulankaan yahay  kulankoodii ugu horeeyay tan iyo markii ay 8-1 kaga badiyeen City Ground bishii Febraayo 1999kii.

 

*Nottingham Forest ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee Premier League ee ay banaanka ku wajahday Manchester United, marka laga reebo 2-1 ay kaga badiyeen December 1994

 

* Nottingham Forest goolasha ugu badan waxaa ka leh United oo 31 gool ah mana jirto koox kale oo sidaas ku sameeysay .

*Manchester United ayaa laga badiyay kaliya lix ka mid ah 89-kii kulan ee Premier League ay gurigeeda kula ciyaartay kooxaha soo dalacday (68 jeer badis io 15 bar bar dhac ah ).