Urur goboleedka IGAD oo walaac ka muujiyay muranka xadka ee Itoobiya iyo Suudaan

0
169

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay labada waddan ee Suudaan & Itoobiya inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda iyo inay si firfircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara looga gaaro arrinta ay isku hayaan.
Labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan waxay aasaaseen urur goboleedka IGAD, urur-ganacsiyeedka iyo ammaanka Bariga Afrika oo ka kooban siddeed waddan oo la aasaasay 1986kii.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale ugu baaqay Itoobiya iyo Suudaan inay is xakameeyaan oo ay bilaabaan wadahadal ku saabsan muranka soohdinta.
Itoobiya iyo Suudaan ayaa muddo dheer ku muransanaa xuduudka Al-Fashaxa, oo ah dhul barwaaqo ah oo ay la degaan beeraley Itoobiyaan ah oo Suudaan ay ku an dacooneyso in uu ku jiro xuduudkeeda.