Urur u dooda dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo laga daahfuray Beydhabo

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Wasiirka wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Maxamed Cabdiraxiin Nuur ayaa magaalada Baydhabo ka daahfuray urur u dooda dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo lagu magacaabo Mustaqbal kaasi oo aay aasaastay Xabiibo Ibraahim Aadan oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda xaquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba

Waxa kaqeyb galay munaasabada lagu daahfurayey ururka Mustaqbal mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ururada dhalinyarada iyo mas’uuliyiin kasocday hay’adaha ka howlgala koofur galbeed

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi