Ururada bulshada rayidka oo ka qeyb galay kulanka golaha shacabka.

0
50

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka soomaaliyeed Cismaan Muxuxudiin Shaatax oo ka qeyb galay kulankii shalay ee golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee looga doodayay waxkabadalka dastuurka KMG ah ee dalka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ay aragtidooda ku daraan go,aanada masiiriga ah ee dalka

si taas ay u suura gashana waxa uu sheegay in ay kala hadleen gudiyada golaha shacabka sidii ay kulamada uga qeyb gali lahaayeen aragtina ay ugu yeelan lahaayeen go,aanada golaha shacabka iyagoo matalaya bulshada rayidka soomaaliyeed.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.