Baladweyne ( Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha maamulka Soomaaliland Axmed Yaasiin Maxamed Faarax ayaa qalab xafiiseed ku wareejiyay Ururka Dhalinyarada maqalka la’a ee Somaliland Deaf Association.
Qalab xafiiseedka lagu wareejiyay Ururka Dhallinyarada Maqalka la’a ee Soomaaliland ayaa ka koobneed Qalabka wax lagu daabaco, Qada printerada iyo mashiinada wax lagu maqlo.
Warkan waxaa inoo haayo Bilaal Daahir Waaneey


