Ururka horumarinta waxbarashada ardeyda gobolka Hiiraan oo sheegay in 300 oo dhalinyaro deeq waxbarasho ay u heleen.

0
412

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha ururka horumarinta waxbarashada ardeyda  gobolka Hiiraan Mahad Maxamed Xassan ayaa radio Beerlula u sheegay inay ku guuleysteen inay fursado waxbarasho oo heer jamaceed siiyaan 300 oo dhalinyaro ah kadib markii maamulada jaamacaddaha Baladweyne iyo kuwa Muqdisho kala hadleen sidii deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah loo siin lahaa dhalinyarada danyarta.

Mahad Maxamed Xassan ayaa Radio Beerlula u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dhalinyaradan ay ka faa’ideystan doonaan deeqdan waxbarasho ee ay heleen.

Guddoomiyaha ururka horumarinta waxbarashada ardeyda gobolka Hiiraan Mahad Maxamed Xassan ayaa tilmaamay in dhalinyaradan ka faa’ideysanaya deeqdan waxbarashada ay iskugu jiran kuwa, danyar ah, agoon iyo kuwa kale oo ku nool Baladweyne.

Mahad Maxamed Xassan ayaa dhalinyaradan ku booriyay inay ka dhabeeyaan rajada laga lee yahay.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here