VAR Oo Arsenal Raali Galin Ka Siisay Khaladkii Kulankii Brentford

0
178

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’adda u qaabilsan garsoorayaasha kubbadda cagta Ingiriiska ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku saabsan khaladaadkii ka dhacay kulamadii u dhexeeyay kooxaha Arsenal iyo Brentford, iyo Brighton iyo Crystal Palace.

Arsenal ayaa barbardhac la gashay Brentford, fiidnimadii shalay, kulan ka tirsan wareegga 23-aad ee horyaalka Ingiriiska.Goolkii Brentford ee uu dhaliyay Evan Toni,ayaa dhaliyay muran ka dhashay xaalada offside-ka,sidaa darteed waxaa markii dambe cadaatay in caawiyaha garsooraha muuqaalka ah ee Lee Mason uu hilmaamay in uu jeexo Line-kii lagu eegayay in uu xiddigu Offside ku jiro taas oo keentay in aan la diidin Goolka.

Dhinaca kale kooxda Brighton ayaa barbardhac la gashay Crystal Palace waxana la diiday Goolkii guusha ee Brighton ee uu dhaliyay xiddiga Pervis Estupina, iyadoo markii dambe ay cadaatay in goolku uu sax ahaa oo uusan u qalmin in la kansalo. .

“Waxaa la xaqiijin karaa in madaxa garsooraha Howard Webb uu la xiriiray Kooxaha Arsenal iyo Brighton si uu ugu sheego khaladkii ay galeen garsoorayaashii ku hawlanaa VAR” ayay guddiga garsoorayaasha ku sheegeen bayaan rasmi ah.

“Labada dhacdo, oo ay sabab u tahay Khalad ka dhacay garsoorayaasha VAR iyo qiimaynta xaaladaha Offside-ka ayay ka raali galiyeen labada kooxood”ayay sii raaciyeen.