Vinicius Jr Oo La Ogaaday In Uu Doonayo In Kooxda Laga Ceyriyo Mbappe

0
78

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kubadda cagta ee reer Argentina, Jorge Sampaoli, ayaa sheegay in weeraryahanka Real Madrid ee Kylian Mbappe uu ku dareemayo raaxo la’aan garoonka Santiago Bernabeu.

Sampaoli wuxuu sheegay in Mbappe aanu ahayn isla ciyaaryahankii caadiga ahaa, sababtuna tahay saaxiibkiis garabka bidix, Vinicius Jr.

Tababaruhu wuxuu aaminsan yahay in Mbappe uusan si buuxda u weerari karin bartamaha, iyadoo Vinicius uu horey u haysto garabka bidix, taasoo ka dhigaysa mid adag in kabtanka xulka Faransiisku uu iftiimo.

Sampaoli oo la hadlayey wargeyska SPORT, ayaa sheegay in Mbappe uu yahay mid liita sababtoo ah booska uu Carlo Ancelotti ka ciyaarsiiyo ma ahan mid uu la qabsan karo.

Sida uu hadalka u dhigay, xiddigii hore ee Monaco wuxuu hadda yahay mid “hoos u dhac” ku yimid oo aan ku qanacsaneyn xaaladdda

“Vinicius wuxuu joogaa Madrid. Isagu [Mbappe] runtii wuxuu u muuqdaa mid aan raaxo ku dareemaynin, si hoose u ciyaaraya. Wuxuu la’ yahay sida loo weeraro booskaas.”

“Haa, goolal muhiim ah wuu dhaliyey. Laakiin ma aha ciyaaryahankii aan ku arkay France ama koobkii aduunka ee Qatar.”

Saxafiga Anton Mena ayaa horay ugu sheegay Cadena SER in Mbappe iyo Vinicius Jr aysan si wanaagsan isula jaanqaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here