Vinicius=>Al-Ahli, Pedri=>Al-Hilal, Rashford=>Al-Ittihad: Sucuudiga Oo 20 Maalmood Ku Burburinaya Kubadda Cagta Yurub

0
188

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxaha horyaallada waaweyn ee Yurub ayaa walaacsan, waxaanay ka baqayaan khatarta kaga imanaysa naadiyada Sucuudiga oo 20ka maalmood ee soo socda qorshaynaya in ay ka xoogaan xiddigo waaweyn xilli uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.

Manchester City iyo Liverpool ayaa ah kooxaha wadnaha farta ku haya ee xiddigahooda waaweyn looga yeedhayo Sucuudiga, sida Ederson, Kevin de Bruyne, Mohamed Salah, Thiago Alcantara iyo Alisson Becker.

Kadidb heshiiskii ay kooxda Al-Hilal ku qaadatay Neymar Jr oo ay kasii horreeyeen Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema, waxa hadda ay kooxaha horyaallada Premier League, LaLiga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1 oo ah shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub ay qirsan yihiin in ay kusoo waajahan tahay khatar dhab ah.

Afarta kooxood ee ay maalgeliso dawladda Sucuudiga ee Al-Hilal, Al-Ahli, Al-Nassr iyo Al-Ittihad ayaa la sheegay in ay qorshaynayaan in ay sii wadaan saxeexyada waaweyn ee ay ka doonanayaan kooxaha Yurub, iyadoo waliba ay awood u yeelanayaan inay saxeexyo sameeyaan iyadoo uu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee Yurub.

Kooxaha Sucuudiga ayaa haysta illaa badhtamaha bisha September oo uu u furan yahay suuqa iibka ciyaartoyda ee qaaradda Yurub ka xidhmaya September 1, waxaanay kooxaha waaweyn ka baqayaan in ay ka tagaan xiddigo waaweyn xilli aanay beddelkooda ka doonan karayn suuqa.

Xiddigaha waaweyn ee tegay horyaalka Sucuudiga xagaagan iyo cabsida jrta

Tirada ciyaartoyda waaweyn ee kusii qulqulaya Sucuudiga wali fari kama qodna, waxaana waqti horeba iska xaadiriyey dalkaas xiddigaha ay ka mid yihiin Neymar, Benzemá, Kanté, Maximin, Kessié, Mahrez, Firmino, Malcom, Savic, Koulibaly, Mendy, Neves, Henderson, Fabinho, Mané, Telles, Fofana, Diallo iyo kuwo kale, hase yeeshee wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegaya in hadda ay kooxaha Sucuudigu indhaha ku hayaan Vinicius Junior, Pedri, Antoine Griezmann, Rashford iyo ciyaartooyo kale.