Baledweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka PSG Randal Kolo Muani, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay macquul tahay inay amaah ku dirto ciyaaryahanka.
Iyadoo Bukayo Saka uu dhaawac ku maqan yahay, Gunners ayaa si firfircoon u raadineysa xoojinta weerarka.
Kooxda ayaa hore u muujisay xiisaha ay u qabto Kolo Muani, laakiin baacsigoodu hadda waxa uu u muuqdaa mid sii xoogaysanaya iyadoo Mikel Arteta la sheegay inuu aad ula dhacsan yahay 26 jirkan weerarka ka ciyaara, sida laga soo xigtay Tuttosport.
Inkastoo ay xiiseynayaan kooxo dhowr ah oo ay ku jiraan Juventus iyo AC Milan, Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa Kolo Muani.
Si kastaba ha ahaatee, Paris Saint-Germain ayaa u furan inay amaah ama si joogto ah ku bixiso xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, iyadoo uusan wax door ah ku laheyn kooxda Ligue 1 ka dhisan.
Haddii Arsenal ay go’aansato heshiis amaah ah, waxaa looga baahan doonaa inay bixiyaan dhammaan mushaarka Kolo Muani, kaasoo gaaraya €4 milyan sanadkii.
Kooxda reer Paris ayaa dooneysa inay ka fogaato qasaare kale ka dib lacagtii qaaliga aheyd ee ciyaartoyga kusoo iibsadeen.