Waa Kuma Weeraryahanka La Illoobay Ee Ay PSG Ku Iibinayso €10 Milyan Oo Euro?

0
113

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa waxay wada-hadallo heerkoodu sarreeyo ku wada jiraan kooxda reer Turkey ee Galatasaray oo ay oo ay qarka u saaran yihiin in ay heshiis rasmi ah ka gaadhaana xiddiga reer Argentina ee Mauro Icardi oo xilli-ciyaareedkii hore amaah ku joogay kooxda reer Istanbul.

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa ku warramay, in PSG ay aqbalayso wax kasta oo ay liiskeeda kaga saarayso xiddiga reer Argentine ee Mauro Icardi oo sannadkii 2019 ay €50 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Inter Milan.

Xiddigan oo muddadii uu joogay PSG ay hadheeyeen khilaafyo ay sababtay xaaskiisa, iyo boos la’aan ugu dambayntii keentay inuu ka tago Parc des Princes oo amaah loogu diro Galatasaray, ayaa waxa uu u saftay 62 ciyaarood oo kaliya oo uu u dhaliyey 33 gool iyo 10 kale oo uu caawiyey muddo laba sannadood ah oo uu ka ciyaarayay horyaalka Faransiiska.

Wada-hadalka labada kooxood ee PSG iyo Galatasaray ayaa la sheegay in ay u dhow yihiin in ay kusoo dhamaadaan €10 milyan oo Euro oo ay bixin doonto kooxda reer Turkey, isla markaana si rasmi ah ula wareegi doonto laacibkan.

Icardi oo ay baro-bixiyeen Lionel Messi, Neymar iyo Kylian Mbappe oo ku qasbanaaday in uu ka guuro Paris, ayaa waxa uu isaguna doonayaa in uu noloshiisa kasii wato waddanka Turkey oo xilli-ciyaareedkii 2022-23 uu Galatasaray u saftay 26 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 23 gool, siddeed kalena caawiye uga noqday.