Waa Kuma Xiddiga Ay Man United Dooneysa Inay La Soo Wareegto Bisha Janaayo

0
337

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa durbaba noqday xiddiga koowaad ee Manchester United diirada u saaran bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga Ingariiska.

Kooxda Red Devils ayaa isku diyaarineysa inay 100 milyan ginni ku dagaalgasho si ay dib ugu soo laabtaan Champions League, waxaana Ole Gunnar Solskjaer uu muhiimsan siinayaa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Dortmund.

Ka dib markii ay Romelu Lukaku ku iibiyeen 73 milyan ginni iyadoo Alexis Sancez iyo Paul Pogba ay weli xiiseynayaan kooxaha Yurub ee suuqa kala iibsiga uu u furan yahay, tababaraha ayaa gacanta loo gelin doonaa lacag walba oo United ka soo gasha suuqa kala iibsiga.

Sidoo Kale Akhri:  Maxaad Ka Taqaanaa Saxiixa Cusub Ee Arsenal Nicolas Pepe? Inuu Muslim Yahay Iyo Shan Waxyaabood Kale Ka Ogow

Solskjaer ayaa lacagta uu ka helay heshiiska Lukaku waxa uu ku soo iibsan doonaa ciyaartoy cusub bisha Janaayo iyadoo kubadsameeye khadka dhexe ah uu muhiimad siinayo.

Jadon Sancho kaliya waa 19 jir waxaana uu xilli ciyaareedkan ku bilowday sida ugu fiican isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday labo gool kale seddex kulan uu ciyaaray.

Waxaana ku jirtay kulankii wacdaraha dhigay ee ay ka horyimaadeen kooxda Bayern Mnich iyadoo Borussia Dortmund ay koobka German Super Cup qaaday.

Sancho ayaana lagu abaalmariyay qandaraas cusub oo uu isbuucii qaadanayo 190 kun ginni ka dib xiisihii Man United ee xagaagan.

Waxaana ay taasi ka dhigeysa mid ka mid ah da’ yarta ugu mushaharka badan kubada cagta caalamka.

Sidoo Kale Akhri:  Taageerayaasha Barcelona Oo Ka Dooday In Jose Mourinho Uu Bedelo Macalinkooda Haatan Ernesto Valverde

United ayaa rajeyneysa inay xiddiga Ingariiska ku soo jiidaan Premier League si ay uga badbaadaan inay mar kale seegeen u soo bixitaanka Champions League oo haddii ay taasi dhacdo ay dhaqaale xumo soo wajihi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here