Waa kuma Xiddiga lagu Galay Qaladka ugu badan 5-horyaal ee ugu Sareeya Yurub

0
16

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lamine Yamal ayaa lagu sameeyay qaladaad ka badan ciyaartoy kasta oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu saameynta badan Yurub xilli ciyaareedkan.

Sida ay sheegtay ESPN, Lamine waxaa si arxan darro ah u raaca daafacyada kasoo horjeeda kuwaasoo oo mararka qaar halis galiya lugihiisa.

Waxaa loo diiwaan galiyay in lagu sameeyay 38 qalad oo waaweyn bilowga xili ciyaareedka, waana in kabadan ciyaartooy kasta oo ciyaaraya waqtigaan.

Tani waxay imaaneysaa iyadoo 17-jirkaan lagu qasbay inuu ka baxo xulka Luis de la Fuente ee La Roja sabab la xiriirta dhaawac kasoo gaaray kulankii xulkiisa 1-0 kaga badiyeen Danmark.

Lamine waxaa la xaqiijiya inuusan ka qeyb gali doonin ciyaarta habeen dambe Xulkiisa Spain wajahayaan Serbia.

Yamal waa ciyaaryahanka lagu galay qaladka ugu badan kooxdiisa, wadankiisa iyo xitaa shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here