Waa Maxay Sababta France Iyo Netherlands Aysan U Ciyaari Doonin Booska Seddexaad Ee Euro 2024?

0
102

Baladwayne (Radio Beerlula )-Xulalka France iyo Netherlands ayaa isaga haray tartanka Euro 2024 oo ay dhaafi waayeen semi-finalka tartankaan, iyadoo labada xul ay si weyn u qalbi jabeen ka dib markii ay aad ugu dhawaadeen inay gaaraan finalka tartanka.

Tartankooda ayaa hadda soo idlaaday ka dib markii ay guuldarooyin ay kala kulmeen Spain iyo England, maadaama aysan jirin boos seddexaad oo lagu kala baxo koobka qaramada Yurub.

Inkastoo ay kooxda Didier Deschamps ay soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u hooseeya inta badan tartanka, ayaa dadaal badan ku raadisay sidii ay u tagi lahayd finalka.

Randal Kolo Muani ayaa madax ka dhaliyay Spain.

Nasiib darro France, labo gool oo ay qeybtii hore ee ciyaarta Spain ay u kala dhaliyeen Lamine Yamal iyo Dani Olmo ayaa ka dhigtay inay kasoo gudbi waayeen semi-finalka.

Netherlands ayaa niyad jab ku baxay iyagana , kadib kulan ay hogaanka ku hormareen ay la yeesheen England.

Waxaa goolka ay ka heshay Xavi Simons, laakin wiilasha Gareth Southgate ayaa ku badiyay labo gool oo ay ka heleen Harry Kane iyo Olie Watkins, sidaasi ayaana lagu reebay Holland.

Waxaa laga yaabaa inay dadka qaar la yaab ku noqoto,

in labada xul ay hadda wada ciyaareen ciyaartii ugu dambeysay ee tartanka.

Ma ahan sida Koobka Adduunka, oo caado u ah in labada xul ee guuldarada kasoo gaarta semi-finalka, ay u tartamaan booska 3aad.

Tartanka Qaramada ee Yurub waa uu ka duwan yahay oo ma jirto u tartamida booska 3aad.

Uefa ma qabanin u tartamida kaalinta saddexaad muddo ka badan 40 sano.

Waxayna ahayd markii ugu dambeeysay 1980kii, markaasi oo ay kaalinta seddexaad ay ciyaareen xulalka Czechoslovakia iyo Italy.

Czechoslovakia ayaa rigoorayaal 9-8 ah ku garaacay martigeliyaashii xiligaasi ee Italy kadib markii ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.