Wadahadalada xabad joojinta Gaza looga hadlayo oo maalintii labaad Qaahira ka socda.

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xamaas ayaa sheegtay in ay sii wadeyso wadahadalka maalintii labaad ee Qaahira ee ku saabsan suurtagalnimada xabbad joojin lix toddobaad ah oo Gaza ka dhacda, in kasta oo Israa’iil aysan ka qeybgalin.

Israa’iil ayaa sheegtay in aysan ka qayb qaadan doonin iyada oo Xamaas aysan soo bandhigin liiska la haystayaasha Israa’iil ee badbaaday — waxay Xamaas ay sheegtay in aysan sameyn karin weerarka Israa’iil awgeed.

Dhanka kale, madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay in dagaalka Qaza uu u gudbi karo dagaal ballaaran oo ka dhaca bariga dhexe iyo meelo ka baxsan Gaza.

Volker Turk waxa uu ku tilmaamay dagaalka ka socda koonfurta Lubnaan ee u dhexeeya Israa’iil,Xisbollah iyo kooxaha kale ee hubaysan in ay tahay “mid aad looga walaaco”.