Baladweyne ( Radio Beerlula)-Wadamada loo yaqaano G-7 oo shir uga socda magaalada Alberta ee dalka Canada ayaa soo saaray war-murtiyeed wada jir ah.
Xubnaha G7, ayaa si wada jir ah u sheegay inay ka go’aan tahay nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe.
“ Waxaan ku boorineynaa in xallinta xiisadda Iran ay horseeddo dejinta colaadaha Bariga Dhexe, oo ay ku jirto xabbad-joojin laga hirgeliyo Qasa, waxaan si joogto ah u caddaynay in Iran aysan weligeed yeelan karin hub nukliyeer ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay G7.
Madaxda G7 ayaa ku baaqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka baxay shirkaas, sababo lagu sheegay colaadda ka socota bariga dhexe.


