Wadan qodaya godka ugu dheer adduunka

0
261

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dalka Shiinaha ayaa bilaabay inuu qodo god weyn oo hoos oo uu dheerikiisu gaaraya ilaa 11,100 mitir.

Shaqadu waxay todobaadkii hore ka bilaabatay Taklamakan, saxaraha labaad ee ugu weyn adduunka, oo ku yallla waqooyi-galbeed ee Xinjiang gobolka Uyghur.

Mashrucan ayaa lafilayaa in uu kusoo idlaado muddo 457 maalmood ah. Hawl-wadeenadu ayaa adeegsan doona mashiinno ah culeyskiisu garaya in ka badan 2,000 .

Kani waa godkii ugu dheeraa ee laga qodo Shiinaha, kaas oo jabin doona rekoorka godka hadda ugu dheer aduunka hadda oo gaaraya ilaa 10,000 oo mitir ..