Waddama ka tirsan Yurub oo oggolaaday qaabilidda muhaajiriin badda ku go’doonsanaa

0
286

Baladweyne(Radio Beerlula)- Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo. Ciidamada badda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidi dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here