Waddo muhiim ah oo laga dhagax dhigay degmada Hodan ee gobolka Banaadir

0
109

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cali Axmed Faarax ayaa maanta ka dhagax waaxda kacaan ee degmada Hodan wado muhiim u ah isku socodka ganacsiga iyo bulshada degmada.

Wadaan oo isku xirta suuqa bakaaraha iyo waaxda kacaan ee degmada hodan waxana dhismaha fulinaya shirkada ABAHAS oo ka shaqeysa dhismaha wadooyinka casriga.

Wadadaan laga dhagax dhigay waaxda kacaan ee degmada hodan ayaa hirgalinteeda ka dib qeyb ka qaadan doonto bilicda soo kabashada ganacsiga degmada sida uu sheegay maamulka degmada Hodan.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.