Waddo muhiim ah oo laga dhagax dhigay degmada Yaaqshiid

0
78

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Dhagax-dhigay dhismaha Wadada Laamiga ee Isgoyska Towfiiq illaa Miisaanka Dhuxusha ee Degmada Yaaqshiid.

Munaasabadda Dhagax-dhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Ardeyda iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.