Wado loogu magac daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo xariga laga jaray.

0
74

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ugu jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ee Degmada Cabdicasiis.

 

Munaasabadda Xarig jarka wadooyinkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim