Wadooyiin laami oo laga dhagaxa dhigay Degmada Shangaani.

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay waddooyinka laamiga ah ee Degmada Shangaani kuwooda burbursan, isagoona sheegay in si casri ah oo damaanad leh loo dhisi doono.

Munaasadda waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Md Cabdimajiid Daahir Aadan, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xoghaya Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here