Wadooyinka Bulgaariya, Turkiga iyo Giriiga oo isu rogaya webiyo ka dhashay fatahaado ay dad ku dhinteen

0
113

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Daadad ka dhashay roobab xooggan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 qof oo ku kala nool dalalka Bulgaria, Turkey iyo Greece.

Bulgaariya, sawirro laga soo qaaday aagga Tsarevo ayaa muujinaya daadad si xawli ah u socda oo qaaday baabuurta.

Maamulka halkaasi ku sugan ayaa sheegay in labo nin iyo haweeney ay dhinteen – haweeneyda ayaa la sheegay in daadadka ay badda kudareen meydkeeda Mid ka mid ah ragga dhintay ayaa ka shaqaynayay guriga hooyo iyo gabadheeda oo weli la la’yahay, sida ay sheegeen Bulgarian.