Wafdi ka socda dowladda federaalka iyo Hirshabeelle oo Baladweyne u yimid daah furka mashariic horumarineed.

0
275

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka howlaha guud iyo gureynta Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi, wasiirka maaliyadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, wasiirka ganacsiga Hirshabeelle Yaxye Ismaaciil iyo agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud iyo gureynta xukuumadda federaalka Somaliya Axmed Imaan ayaa soo gaaray magaalada Baladweyne kuwaasoo daah furi doonaa mashariic horumarineed oo laga hirgelin doono gobolka Hiiraan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud iyo gureynta xukuumadda federaalka Somaliya Axmed Imaan iyo wasiirka howlaha guud iyo gureynta Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa si wada jir ah u sheegay inay daah furi doonaan qiimeynta iyo nashaqeynta dhismaha wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Jawiil ee gobolka Hiiraan taasoo lix bilood kadib la dhagax dhigi doono.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here