Wafdi ka socda dowladda federaalka iyo Hirshabeelle oo Feerfeer u tagay hirgelinta xafiiska hay’adda socdaalka iyo Jinisiyadda.

0
655

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka warfaafinta Hirshabeelle, agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, agaasimaha laanta shanaad ee  hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka kala qeybiyay Soomaaliya iyo Itoobiya kula kulmay waxgaradka deegaanka iyo maamulka degmada Feerfeer.

Kulanka ayaa looga hadlay sidi looga wada shaqeyn lahaa nabad galayada islamarkana loo hirgelin lahaa xafiiska hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha  ee degmada Feerfeer.

Guddoomiyaha degmada Feerfeer ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdirashid Ibraahim dhaqane, iyo waxgaradka magaalada Feerfeer ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeyo nabad galyada iyo in furo xafiis dadka ay ka helan adeegyada muhiim-ka.

Agaasime ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo jinsiyaddaha Soomaaliya Xassan Cabdulqaadir Maxamed, iyo wasiirka warfaafinta Hirshabeelle Cabdiweli Muxumed Cabdi ayaa kawaramaya ahmiyadda safarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here