Wafdi ka socda dowladda iyo odayaal dhaqameed booqasho ku tagay Baladweyne

0
58

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamuud iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo soo gaaray magaalada Baladweyne ayaa kulan la qaatay Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan iyo waxgaradka gobolka Hiiraan iyagoo kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa xiisadii ka dhalatay askartii ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee lagu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka shabeelle dhexe.

Sidoo kale waxaa magaalada Baladweyne soo gaaray oo kulan la qaatay Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan, inta badan duubabka dhaqanka gobolka shabellaha dhexe iyo gobolka Hiiraan kuwaasoo u yimid xalinta dhacdii ka dhacday deegaanka Ceelbaraf.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here