Wafdi ka socda Hirshabeelle iyo injineeradii dhisi laha buundo cusub oo tagay magaalada Buula burde.

0
115

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee mamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) oo ay weheliyaan injineero iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo gaaray degmada Buula burde ayaa sheegay in la dhisi doono buundo labaad oo laga hirgelinayo degmada, sidoo kalana dib u dayactir lagu sameyn doono buunadii hore si bulshada ay u maran halka mida cusubna ay mari doonaan gaadiidka.

Buundada Buula burde ayaa halbowle u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka u kala safra gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka.

Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.