Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Dowlad gobaleedka Jubaland Axmed Ismaaciil Garas ayaa magaalada Kismaayo ka daah-furay wajiga labaad ee qorshaha kadabatagista talaalka caruurta ka yar shanta sano ee aan qaadan ama dhameysanin talaalka.
Daah-furka talaalka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Xuseen Macalin Cali, qaar ka mid ah bahda Wasaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha ka shaqeeyo arimaha Caafimaadka.
Warkan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud.