Wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes oo markale la xiriiray Kooxda Chelsea

0
348

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sida wararku ay sheegayaan Wiilka ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa xiriir la sameeyey markale kooxda kubadda cagta Chelsea.

Jariiradda The Independent ayaa warinaysa in Wakiilka Cristiano Ronaldo ee Jorge Mendes uu markale xiriir la sameeyay kooxda Chelsea ka hor dhammaadka suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Weeraryahanka Kooxda Manchester United ayaa horraantii suuqa kala iibsiga loo soo bandhigay Blues, laakiin Tababare Thomas Tuchel ma uusan xiiseyneynin heshiiskaas, waana uu iska diiday xiddiga xulka qaranka Portugal.

Mendes oo rumeysan in mawqifka Chelsea uu isbeddeli karo ayaa sii wada inuu u bandhigo Ronaldo kooxda ka dhisan galbeedka Magaalada London, maadaama uu CR7 doonayo inuu ku biiro koox ka dheesha Koobka Horyaallada Yurub ee Chelsea.