Wali Kulamo Ayaa Dhiman”:-Mikel Arteta Oo Diiday In Uu Calanka Cad Dhiibo.

0
85

Baladweyne (Radio Beerlula-Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday in uu dhiibo calanka cad ee horyaalka premier League kadib guuldaradii 4/1 ahayd ee kooxdiisa ka soo gaadhay premier League.

Inkasta oo la xasuuqau kooxdiisa kadib markii ay 3 kulan bar-baro galeen 3-dii kulan ee ugu dambeeyay Hadana Arteta ayaa diidan in uu calanka cad taago.

Kadb ciyaarta Arteta ayaa la waydiiyay fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka premier League ee xilli ciyaareedkan.

“Cid walba bilowgii xilli ciyaareedka waxa ay sheegayeen in ay Arsenal ku dhamaysan doonto kalainta 6-aad ama 7-aad laakiin waanu tartamaynaa”ayuu Arteta yidhi.

“Xiddiguhu waxa ay u qalmaan amaan badan, marka la eego halka ay joogeen muddo 9 bilood ah, wali waxa dhiman 5 kulan, dalkan waxa aan joogay ku dhawaad 22 sano waxana aan arkay waaybo badan”.

“Waxa aan ogahay wax is badali kara kulan kasta. ma jiro laba kulan oo isku mid ah horyaalka sidaas darteed wali waxa aan ku jirnaa tartanka”ayuu sii raaciyay.