Waqtiga Uu Ousmane Dembele Kusoo Laabanayo Garoomada Oo Dib U Dhacay? Miyuu Kasoo Gadhayaa El Clasico?

0
202

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo sheegay in aanay heli doonin xiddig muhiim ah kulanka Athletic Bilbao ee toddobaadka dambe, sidoo kalena uu shaki weyni ku jiro ciyaarta El Clasico ee Real Madrid ay kusoo dhoweyn doonaan Camp Nou ee March 19 ee horyaalka Spain ee LaLiga.

Xavi Hernandez ayaa rajaynayey inuu dib u heli doono garabka weerarka reer France ee Ousmane Dembele toddobaadkan, hase yeeshee wararka laga helayo Spain aya waxay sheegayaan in aanu laacibkani qayb ka noqon doonin safarka ay kooxdiisu Axadda ugu tegayso Athletic Bilbao.

Ousmane Dembele oo ku dhaawacmay ciyaartii Girona ee January 28, ayaa waxa uu ka maqnaa tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa, waxaana uu dib u dhac ku yimid soo kabashadiisa inkasta oo uu bilaabay tababarka fudud.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Ousmane Dembele ayaan kooxdiisa u raaci doonin ciyaarta ay booqanayaan kooxda reer Basque ee Athletic Bilbao, sidoo kalena ay fursaddiisii El Clasico ay aad u hoosayso.

Dakhaatiirta Barcelona ayaa subaxnimadii maanta oo Salaasa ah wxay u ogolaadeen inuu tababarka la qaato kooxdiisa, laakiin taxadar badan ayaa laga samaynayaa muruqiisa iyadoo laga ilaalin doono inay waxyeello soo gaadho.

Waxa kale oo la siinayaa waqti dheeraad ah oo uu jidh ahaan taam ugu noqdo inuu kooxdiisa u ciyaaro, balse tababare Xavi Hernandez ayaan doonayn inuu waayo Ousmane Dembele ciyaarta Real Madrid ee is-aragga labaad ee horyaalka taas oo haddii ay guuleystaan ay hoggaanka sii dheeraysan doonaan.

Dembele ayaa ka hor intii aanu dhaawacmin waxa uu ku jiray qaab wanaagsan isaga oo dhaliyey siddeed gool, toddoba kalena caawiyey 28 kulan oo dhaman tartamada h oo uu ciyaaray.