War been abuur ah oo loo hakiyay duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Johannesburg.

0
132

Baladweyne (Radio Beerlula)-Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa baaraya fal been abuur ah oo si ku meel gaar ah u hakiyay duulimaadyadii garoonka OR Tambo ee magaalada Johannesburg.

Maamulka garoomada diyaaradaha ee Koonfur Afrika (ACSA) ayaa sheegay in ay daad gureeyeen rakaabkii iyo shaqaalihii ka shaqaynayay garoonka ka dib markii ay heleen digniin ka timid qof aan magaciisa la sheegin, isagoo ku andacoonaya inay jirto khatar dhanka amniga oo ka jirta qaybta ay diyaaradaha gudaha ka soo dagaan.

 

Maamulka wuxuu sheegay in adeegyadii ay dib u bilowdeen fiidkii ka dib markii baaritaanno ay sameeyeen booliisku ay ogaadeen in aysan jirin wax walaac ah.