WAR CUSUB: De Bruyne, Mohamed Salah Iyo Luka Modric Oo Kusii Jeeda Horyaalka Sucuudiga

0
111

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa sii wada weerarka ay ku hayaan kooxaha waaweyn ee Yurub oo ay awood dhaqaale kaga qaadanayaan xiddigahooda, waxaana ugu dambayntii ay usoo galeen rukunnada ay ku taagan yihiin kooxaha Manchester City iyo Liverpool ee Kevin De Bruyne iyo Mohamed Salah.

Cristiano Ronaldo oo ahaa ciyaartoygii koowaad ee kooxaha Sucuudigu ay la wareegeen bishii December oo mushaharkiisa sannadkii uu yahay £173 milyan oo Gini ayaa ibo-fur u noqday xiddigaha waaweyn ee kusii qulqulaya Sucuudiga.

Ciyaartoygii ugu dambeeyey ee taga horyaalka dalkaas, ayaa waxa uu ahaa Fabinho oo ka tegay Liverpool, isla markaana xalay lagu soo bandhigay Al-Ittihad oo ay ku midoobayaan N’Golo Kante iyo Karim Benzema, balse waxa kale oo iyaguna horyaalka Sucuudiga tegay Ruben Neves, Jordan Henderson, Kalidou Koulibaly, Edouard Mendy, Marcelo Brozovic, Sergej Milinkovic-Savic, Sadio Mane, Roberto Firmino, Allan Saint-Maximin, Alex Telles iyo Riyad Mahrez.

Lacagta ay kooxaha Sucuudigu u qorsheeyeen suuqa iibka ciyaartoyga fari kama qodna, waxaana ay qasnaddoodu buuxdaa kooxaha ay maamusho shirkadda PIF ee Al Ittihad, Al Nassr, Al Ahli iyo Al Hilal.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha Rudy Galetti, kooxaha horyaalka Sucuudiga ayaa waxay hadda usoo jeedsadeen saddexda ciyaartoy ee Mohamed Salah, Kevin De Bruyne iyo Luka Modric oo ay doonayaan in ay la saxeexdaan.

Wariyuhu ma sheegin lacagta ay kooxahani ku doonayaan saddexda ciyaartoy iyo mushaharka ay siinayaan intaba, hase yeeshee waxa uu caddeeyey in haddii ay xagaagan ku guuleysan waayaan saxeexooda, in ay sugi doonaan suuqa xagaaga dambe.