Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
86

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.

Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa doonaya in ay kooxdu heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Marcus Rashford si uu u sii joogo kooxda (Manchester Evening News).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga Kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham (Mirror).

Tababaraha ku dhaw in uu noqdo tababaraha cusub ee Blue Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu qiimeeyo xaalada Romelu Lukaku marka uu la wareego shaqada kooxda (La Gazzetta dello Sport).

Kooxda chelsea ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Manuel Ugarte laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxda Liverpool (Franco Fernandez).

Kooxda Liverpool ayaa wali doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves (Football Insider).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab cusub ka gudbiso saxiixa daafaca Kooxda Galatasary ee Sacha Boey (Telegraph).

Kooxda Arsenal ayaa diiday in ay heshiiska Bukayo Saka ku darto lacag lagu bur-burin karo heshiiskiisa cusub ee kooxda (Mail).

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 150 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior 150 milyan oo euro, iyadoo Manchester United iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale xiiseynayaan xiddiga reer Brazil (El Nacional).

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay Lionel Messi u gacan galiso calaamada kabtanimada hadii uu dhamaystiro ku soo laabashada cajiibka ah ee kooxda (Mundo Deportivo).

Manchester United ayaan dooneynin inay bixiso lacagta 55 milyan ee ay chelsea dul dhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Mason Mount (The Independent).

Liverpool ayaa ku dhow inay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Brighton & Hove Albion Alexis Mac Allister. Laacibka reer Argentine waxa uu Anfield ka qaadan doonaa ku dhawaad ​​150,000 oo gini isbuucii (Fooball  Insider).

Manchester City ayaa laga yaabaa inay la soo saxiixato badalka xiddiga Ilkay Gundogan, kaasoo aan weli mustaqbalkiisa u hibeyn kooxda waxana ay u calaamadsatay badalkiisa xiddiga khadka dhexe ee PSG Fabian Ruiz (Fichajes).

Kooxda Newcastle ayaa man United kaga horaysa baacsiga saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kim min-jae (Sunday Express).

Arsenal iyo Manchester City ayaa labaduba xiiseynaya garabka xiisaha leh ee Crystal Palace Michael Olise (Ekrem Konur).