Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
194

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa fooda inagu soo haya suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu isu diyaarinayaan in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.

Iyada oo suuqu furmi doono bisha dambe kooxaha ayaa isku diyaarinaya in ay haatanba bilaabaan dadaalda ay saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Kooxda Man City ayaa ku kalsoon in baacsigooda ku guulaysiga saddexleyda koobabka ah in ay Erling Haaland ku qancin doonto in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda xilli ay doonayaan in ay albabka ka xidhaan Real Madrid (Telegraph).

Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo la furtay kooxda Tottenham si ay uga hesho saxiixa xiddiga Harry Kane (Marca).

Real Madrid ayaa dalab 100 milayn ah ka gudbin doonta xiddiga Harry Kane (Mail).

Man United ayaa dalab 50 milyan oo euro ka gudbin doonta xiddiga kooxda chelsea ee ason Miunt (Telegraph).

Man United ayaa sidoo kale aaminsan in uu Harry Kane ku biiri doono Real Madrid suuqa xagaagan (Telegraph).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ee Marcus Rashford ayaa doonaya in uu sii joogo Old Trafford inkasta oo uu xiiso ka helayo PSG (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa wadahadalo la furtay kooxda chelsea oo ay ka doonayso xiddiga Kai Havertz (Bild).

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema oo la xaqiijiyay in uu ka tagayo Real Madrid ayaa ku biiraya kooxda Al-Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga (L’Equipe).

Aabaha Dhalay Lionel Messi ayaa la kulmay maamulka Barcelona waxana uu xaqiijiyay in uu xiddigu doonayo ku laabashada Barcelona (Sport).

Kooxda PSG ayaa tijaabada caafimaadka marisay xiddiga khadka dhexe ee Manual Ugarte kaas oo ay ku  garaacday chelsea (Record).

Kooxda Man United ayaa Barcelona kula biirtay tartanka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fiornetina ee Sofyan Amrabat (Sport).

Kooxda Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brghton ee Moises Caicedo (Mirror).

Laakiin Arsenal ayaa ka cabsi qabata in ay chelsea ka hor qaado saxiixa xiddiga khadka dhexe kadib markii ay Blues ka baxday tartanka ay ugu jirtay Ugarte (Teradeportes).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Arsenal ka hor qaado saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Decland Rice (Football Insider).

Bayern Munich ayaa doonaysa in ay iska iibiso Sadio Mane xagaagan waxana ay aaminsantahay in Newcastle ay isku dayi doonto saxiixa weeraryahankii hore ee Liverpool (Sport1).