Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyada Yurub Ka Qoreen Maanta oo khamiis.

0
133

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weerraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe oo 24 jir ah ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu muddo hal sano ah ku biiro Chelsea, kaddibna uu xagaaga dambe si xor ah ugu wareego kooxda riyadiisa ah ee Real Madrid. (Sport).

Manchester United ayaa waxay doonaysaa inay la saxeexato 19 jirka khadka dhexe ee kooxda Southampton iyo xulka Belgiyum ee Romeo Lavia oo ay Liverpool si weyn u doonayso. (Independent)

Saxeexa cusub ee Manchester United ee Rasmus Hojlund aya la sheegay in dib loo dhigayo waqtiga ay kooxdu soo bandhigayso, maadaama uu hal maalin ka habsaamay waqtigii hore loogu qabtay inuu yimaaddo Carrington. (MEN)

Weeraryahanka England ee Harry Kane oo 30 jir ah, waxa uu diyaar u yahay inuu ka tanaasulo qayb weyn oo mushaharkiisa Tottenham ah, si uu u rumeeyo inuu tago Bayern Munich. (Bild)

Tottenham waxay heshiis shaqsi ah la gashay Micky van de Ven oo ah difaac u dhashay waddanka Netherlands oo u ciyaara Wolfsburg. (Talksport)

Inter Milan ayaa doonaysa difaaca midig ee Arsenal ee Takehir Tomiyasu. (Gazzetta dello Sport)

Barcelona waxay wada-hadallo kula jirtaa Manchester City oo ay ka doonayso difaaca reer Portugal ee Joao Cancelo oo 29 jir ah. (Talk Sport)

Manchester  United waxay wada-hadallo la bilowday Real Sociedad oo ay isla meel-dhigayaan iibka  kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Donny van de Beek. Lacagta ay United ka heshay Van de Beek ayay ku iibsan doontaa Sofyan Amrabat. (Mail)

Chelsea ayaa tartan kala kulmaysa koox aan magaceeda la sheegin oo ku haysata khadka dhexe ee reer Ecuador ee Moises Caicedo oo 21 jir ah, kaas oo kooxdiisa Brighton ay dalbanayso £80 milyan oo Gini. (Athletic)