Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Sabti Ah

0
82

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Newcastle ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaado saxiixa Pedro Neto oo ay kala soo wareegto Wolves xagaagan,  iyadoo lagu qiimeeyo 60 milyan ginni. 23 jirkaan waxaa sidoo kale xiiseyneyso Liverpool. (Daily Mail)

Tottenham ayaa bilawday inay kala hadasho kabtan Son Heung-min heshiis cusub waxayna kalsooni ku qabtaa in heshiis ay la gasho weeraryahanka South Korea, oo 31 jir ah, la dhamaystiri doono xagaaga. (Insider Football)

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa la hadlay xubnaha qoyska 26 jirka weerarka uga ciyaara Bournemouth Dominic Solanke isagoo ka codsaday in xiddigaan uu u dhaqaaqo kooxda reer London xagaaga. (Football Transfers)

Arsenal, Manchester United, Newcastle iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiso u muujinaya daafaca bidix ee kooxda Borussia Monchengladbach Luca Netz, oo 20 jir ah (HITC).

Kooxaha Saudi Pro League ayaa diyaar u ah inay u soo gudbiyaan dalab ka badan 100 milyan ginni si ay ula soo saxiixdaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgium Kevin De Bruyne, oo 32 jir ah, kana tirsan Manchester City. (Insider Football)

Bayern Munich ayaa liiska tababarayaasha ay dooneyso ku darsatay tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi iyagoo raadinaya bedelka tababare Thomas Tuchel oo xagaaga ka tagaya, laakiin tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso oo ay sidoo kale doonayso Liverpool ayaa wali ah dooqa koowaad ee kooxda. (Daily Mirror)

Agaasimihii hore ee Liverpool Michael Edwards ayaa ku dhow inuu ku laabto kooxda iyadoo loo dhiibayo xil sarre, waxaana la doonayaan inuu la wareego gacan ku haynta hawlaha kubbada cagta ee kooxda. (Athletic)

Chelsea ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo isha ku haya 21 jirka garabka uga ciyaara kooxda Athletic Bilbao Nico Williams. (ESPN)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay aqbasho dalabka Roma ee Romelu Lukaku, oo 30 jir ah, kaasoo ka hooseeya lacagtii markii hore lagu hishiiyay ee 37da milyan ginni markii uu amaah ugu wareegayay kooxda Talyaaniga (Calcio Mercato)

West Ham ayaa bartilmaameedsan karta 23 jirka khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Emile Smith Rowe marka uu furmo suuqa xaggaagan. (Caught Offside)

Arsenal ayaa isha ku haysa 19 jirka daafaca uga ciyaara Brazil ee Douglas Mendes kaas oo haatan amaah kula jooga kooxda Red Bull Bragantino balse ka tirsan kooxda Red Bull Salzburg. (Football Transfers)

Gunners iyo Newcastle United ayaa xiiseynaya daafaca dhexe ee kooxda Sporting Lisbon Ousmane Diomande laakiin labada kooxood ayaa sugaya haddii Chelsea ay dalab 69 milyan ginni ah ka gudbineyso 20 jirka reer Ivory Coast. (TeamTalk)