Warbaahinta Spain Oo Kashiftay Sababta Rasmiga Ah Ee Fermin Lopez Ku Qasabtay Inuu Sii Joogo Barcelona

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbaahinta Spain ayaa daaha ka qaaday in khadka dhexe ee Barcelona, Fermín López, uu bartilmaameed u ahaa kooxda Chelsea xagaagan, ka hor inta uusan go’aansan inuu sii joogo Barca, kadib kulan uu la qaatay Hansi Flick iyo agaasimaha ciyaaraha Deco.

Sida uu qoray Radio Catalunya, Fermín ayaa la kulmay tababaraha cusub ee Barca, Hansi Flick, isagoo u sheegay inuu tixgelinayo dalab ka yimid Premier League, balse sidoo kale muujiyay jacaylka uu u qabo Barcelona iyo rabitaankiisa inuu sii joogo. Waxa uu sheegay in uu dareemayo in aan si buuxda loogu muujin cadaalad marka la eego daqiiqadaha uu garoonka ku qaato marka loo barbardhigo heerkiisa ciyaareed.

Tababaraha Jarmalka ayaa si buuxda u muujiyay fahamkiisa, isagoo ciyaaryahanka ku adkeeyay muhiimadda uu u leeyahay kooxda, kuna yiri: “Ma ballan qaadi karo daqiiqado ciyaar, balse waxaan kuu ballan qaadayaa inaan kuu baahannahay.” Ereyadan ayaa xoojiyay go’aanka Fermín ee ah inuu sii joogo.

Sidoo kale, Fermín ayaa kulan kale la yeeshay Deco, kaas oo u sheegay inuu ixtiraamayo rabitaankiisa ciyaar badan, isla markaana uusan hor istaagi doonin haddii uu go’aansado inuu ka tago kooxda haddii dalab rasmi ah mar labaad ka yimaado kooxda reer London.

Ugu dambeyntii, dalabkii la filayay ee Chelsea ma uusan dhicin, taasoo keentay in Fermín uu sii joogo Barcelona, isagoo weli rajo badan ka qaba riyadiisa kooxda Catalanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here