Wariyaal ka tirsanaa telefishinka Al Jazeera oo lagu dilay Qasa.

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Telefishinka Al Jazeera , ayaa xaqiijiyay in lagu dilay marinka Qasa , wariyihii uga soo warrami jiray ; Anas Sharif oo ahaa wariyaha ugu muhiimsan ee Al Jazeera u joogay marinka Qasa.

Wariyahan ayaan bannaanka usoo bixiyay xasuuqa ka socda marinka Qasa.

Waxaa kaloo weerarka lugu dilay dhowr wariye oo kale oo uu ku jiro saxafiga isagana Al Jazeera ka tirsan ee Mohamed Qureiqe, iyo laba sawirqaade, oo kale ah ; Ibrahim Zahir iyo Mohamed Noufal.

Dilka wuxuu dhacay saacado yar kaddib markii Netanyahu uu sheegay in Israel looga adkaaday dhinaca warbaahinta iyo wax uu ku sheegay faafinta dacaayada.

Ciidamada Israel, ayaa dhankooda qoraal ka soo baxay waxay xaqiijiyeen inay beegsadeen wariyaha Anas Sharif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here