Wariye lagu eedeeyey basaasnimo oo lagu xirey dalka Ruushka.

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wargayska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay badqabka mid ka mid ah wariyayaashiisa, oo lagu xiray bartamaha dalka Ruushka, kaasoo loogga shakiyay inuu u basaasayay dawladda Maraykanka.

Waaxda amniga gudaha ee Ruushka, FSB, ayaa goor sii horreysay xaqiijisay in weriyaha, Evan Gershkovich, lagu xiray magaalada Yekaterinburg.

Waaxda, ayaa waxey intaa ku dartay inuu ururin lahaa macluumaadka sirta ah ee warshadaha difaaca.

Afhayeenka Kremlin-ka, ayaa sheegay in Gershkovich sida muuqata lagu qabtay isagoo “dambi gacanta kula jira”.

Wargayska Wall Street Journal, ayaa si adag u beeniyay in wariyuhu yahay basaas.

Gershkovich waa wariyihii ugu horeeyay ee ka tirsan warbaain Mareykanka laga leeyahay, ee lagu xiro dambiyo basaasnimo ah dalka Ruushka, tan iyo dagaalkii qaboobaa.