Wariye shaqada looga eryay arrin dadka reer Masar ka careysiisay

0
72

Baladweyne (Radio Beerlula)-Reham Saciid oo ah haweeney wariye ah kana howlgasha mid ka mid ah telefishinnada dalka Masar ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay wax ka sheegtay cayilka haweenka ee xad-dhaafka noqda , hadalkaas oo muran dhaliyay.

Waaxda maamusha warbaahinta Masar ayaa sheegtay in Reham ay isticmaashay erayo si cad xad gudub ugu ah haweenka Masar.

Reham ayaa intii ay barnaamijkeedu uu hawada ku jiray tiri “dadka aadka u buurbuuran “caqabad ayay ku yihiin qoysaskooda iyo xukuumadaba”.Hadalkeedaas ayay difaacday iyada oo qoraal soo dhigtay Instagramkeeda.

Sidoo kale Intii uu socday barnaamijka ay daadihiso gabadhaasi ee la dhoho Sabaya oo ka baxa telefeshinka al-Hayah ayaa erayadii ay tiri waxaa ka mid ahaa “dumarka tirada badan ee aadka u cayilan waxay lumiyaan dumarnimadooda iyo farxaddooda”sababtuna waa sunta jirkooda ku jirta”.

Waxaana arrinkaan uu imaanayaa kadib markii madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Al-Sisi uu dadka Masaarida ah ugu baaqay in ay hilibka dhimaan, ayna naftooda ka dadaalaan.