Warqado sir ah oo laga helay guriga madaxweynaha Mareykanka.

0
115

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden, uu gurigiisa si “ula kac ah” ugu haystay dukumiintiyo sir ah oo ay dawladdu leedahay, xilligii uu xilka ka degey.

Waraaqaha uu haystay ayay ku jiraan dukumiintiyo ku saabsan arrimaha ciidamada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Afghanistan iyo arrimo kale oo xasaasi ah oo ku saabsan amniga qaranka, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Waaxda Caddaaladda taas oo dhinaca kalena lagu sheegay inaan wax dacwad ah lagu soo oogayn madaxweynaha.

Warbixintan oo uu soo saaray baadhaha gaarka ah ee loo xilsaaray kiiska madaxweyne Biden ee Robert Hur, oo la sii daayey Khamiistii, ayaa ka tarjumaysa, qiimayn iyo dhaleecayn xooggan oo loo jeediyey habka uu madaxweyne Biden u maareeyey waraaqaha sirta ah ee dawladda, hase ahaatee waxaa warbixintan lagu faahfaahiyey, sababaha keenay inaan dacwad lagu soo oogin madaxweynaha.

Natiijada ka soo baxday baadhitaankani waxay hoos u dhigi doontaa in madaxweyne Biden uu ku dhaliilo Donald Trump, habka uu u maareeyey waraaqaha sirta ah ee uu u qaatay gurigiisa raaxada eek u yaalla Florida.