Warshad sameyn doonta Macmacaanka oo laga hirgeliyay Muqdisho oo xariga laga jaray.

0
74

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Warshada sameynta Macmacaanka SOMADO oo ay hirgelinteeda iska kaashadeen Hey’adda Horumarinta Mashaariicda ee TIKA iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

madasha xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Madaxda Hey’adda TIKA, Madax ka tirsan Safaaradda Turkiya, Guddoomiyaha Degmada Shangaani, iyo marti sharaf kale

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.