Wasaarada Beeraha Hirshabelle oo Jowhar ka Furtay Mashruuca Waraabaka Cadceeda ku shaqeeya.

0
208

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ay Wehlinayaan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha ayaa tuulada beeraha Sheekh Ooyaaye ka daahfurtay mashruuca Waraabka soolarka cadceeda.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in sare loogu qaado wax soosaarka beeraha gobolka Shabellaha Dhexe, laguna dhiiri galiyo beeraleyda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa faahfaahin ka bixiyey ahmiyada uu beeraleyda u leeyahay mashruuca soolarka cadceeda ku shaqeeya, isagoona ku booriyey inay ka faa’iideystaan barnaamijkan. Wuxuuna wasiirku sheegay inay ku koontrooli doonaan agabkan.

Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here