Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo taclinta sare ee Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed dheere) ayaa Radio Beerlula u sheegay in dib loo dhigay imtixaankii dugsiga dhexe iyo sare ee laga qaadi lahaa ardeyda magaalada Baladweyne maadaam xiligan ay la daala dhacayan sameynta ka dhalatay fatahaada uu geystay webiga shabeelle.
Imtixaanka dugsiga dhexe ee Hirshabeelle ayaa sida qorshaha uu ahaa dhici lahaa maalinta beri ah, halka imtixaanka qaranka ee dugsiga sare loo balansan yahay 27-ka bishan.
Warbixintan waxaa inoo haya Maxamedd Cabdi Saneey