Wasaarada waxbarashada Soomaaliya oo maamulada iskuullada dowladda ku amartay inaan lacag laga qaadi karin ardeyda.

0
161

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta kormeer uu ugu kuur galayay hannaanka shaqo iyo tayada waxbarashada ay bixiyaan ku tagay dugsiyada hoostaga Wasaaradda Waxabarashadda kuna yaalla caasimada Muqdisho ee kala ah, dugsiga gabdhaha Agoonta ee Boondheere, iskuulka Bartamaha, dugsiga 20-ka December, 21-ka Octobar, iskuul Jabuuti iyo Yaasiin Cismaan oo dhammaantood waxbarasho bilaash ah siiya kumanaan ka mid ah dhallinyarada soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aden.