Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Hirshabeelle mudane Abdi Dahir Guure Karoore ayaa si rasmi ah u daah furay hanaanka doorashada Golaha deegaanka Degmada Mahadaay .
Daahfurka hanaanka doorashada Golaha deegaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowlaha Hoose Mudane Nuur Hassan Muuse wasiiru-dowlaha Wasaarada Dastuurka Hirshabelle Xildhibaan Saadaq Muqtaar Cabdulle Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Muxidiin calasoow Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe maxamuud maxamed nuur Gudddoomiyaha Degmada mahadaay saalax axmed wiish Odoyaasha Dhaqanka haweenka dhalinyarada culimada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada mahadaay.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.