Wasaaradda beeraha Hirshabeelle iyo FAO oo ka digay fatahaad ku soo wajahan Baladweyne.

0
160

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowlad g0boleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa sheegay inay laga cabsi qabo fatahaad uu geysto webiga shabeelle kadib markii uu buux dhaafay.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay bulshada inay ka guuran meelaha ku dhow jiinka webiga shabeelle si aysan khatar uga soo gaarin fatahaada.

Hay’adda Cunnada iyo beeraha Adduunka ee FAO ayaa bayaan dhawaan ay soo saartay ku sheegtay in magaalooyin ay ka mid tahay magaalada Baladweyne laga cabsi qabo inay ku dhufato fatahaad kadib markii roobab badan ka da’een dalka itoobiya oo uu ka yimado webiga shabeelle.

FAO ayaa sidoo kale 27-kii bishan Marso sheegtay in dadaadka ka soo rogmaday dalka Itoobiya ay magaalada Baladweyne ku soo gaari karan muddo laba maalmood ah ama saddex maalmood.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.